Waa maxay social anxiety



Walbahaarka bulshada waa cudur caafimaad oo maskaxeed, kaas oo lagu garto cabsi xooggan oo ka timaadda ku jirista xaalado bulsho ama nafsiyeed, taas oo sababi karta culays iyo caqabad dhanka nolol-maalmeedka. Tirada dadka noloshooda inta ay nool yihiin la kulma cudurkan ayaa haweenka ku badan, oo dhan 5.7% ilaa 15.5%, halka ragga ay u dhaxayso 4.2% ilaa 11.1% . Farqiga ku saabsan inta uu cudurku saameeyo ayaa soo baxa ka hor qaangaarka, Waxaa sidoo kale la arkay in haweenka iyo raggu ay ku kala duwan yihiin astaamaha cudurka.


Haweenka waxay ka cabsadaan in la wareysto, la hadalka dadka xilalka sare haya, hadalka shirarka, cunista iyo cabbitaanka dad hortiisa, iyo imtixaanada muhiimka ah. Ragga qaba walbahaarka bulshada waxay ka cabsadaan in ay bilaabaan xiriir jacayl, waxaana u badan in ay kali noqdaan ama xiriirkoodu burburo. Sidoo kale, raggu waxay u nugul yihiin dhibaatooyin kale oo maskaxeed sida cudurka dabeecadda xun (antisocial personality disorder), khamaarka xad-dhaafka ah, iyo isticmaalka maandooriyaha. Haweenka, dhanka kale, waxay la kulmaan cudurro kale oo maskaxeed sida walwalka ama cudurrada niyad-jabka. Haweenku waxay sidoo kale soo sheegaan cabsi badan oo bulsho iyo dhacdooyin badan oo ay la kulmaan weerarro argagax (panic attacks) oo xaalad gaar ah ka dhasha. Intaa waxaa dheer, calaamadaha haweenka qaba walbahaarka bulshada ayaa aad u sii xumaada ka hor inta aysan helin caadada, hase yeeshee wax badan lagama oga sida cudurkan u socdo inta lagu jiro uurka ama xilliga isbeddelka menopause-ka.


Daraasadaha sawirrada maskaxda ee ku saabsan sida jinsiyaduhu uga jawaabaan calaamadaha khatarta bulsho, sida wajiyada caro muujinaya, ayaa muujiyay in haweenku si aad ah ugu nugul yihiin hanjabaadaha dadka iyo inay ka falceliyaan diidmada bulsho si ka weyn ragga. Ragga, dhanka kale, waxay aad ugu falceliyaan cadaadiska guusha iyo waxqabadka.

Waad ku mahadsantihiin soo booqashada Baayow.blogspot.com.

Comments